Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre: “Xinjiro badan ayaa daadan doona, haddii Itoobiya ay sii wado damaceeda”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay Muqdisho maanta, ayaa sheegay in haddii ay Itoobiya isku daydo in ay soo gasho dhulka Soomaaliya ay la kulmayso, wax ay ka amakaagto oo ay Xinjiro badan daadan doonaan, meyd badan la laaban doonto, wuxuu sheegay in Taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed aan cidna qaadan karin.

Xamse ayaa si ba’an u weeraray dhigiisa Itoobiya oo uu ku sifeeyey nin iska ordaya oo jihada uu hayo aan garaneyn

RW Soomaaliya ayaa Madaxweynaha SL Muuse Biixi u maldahay inuu la yimid hab dhaqankii Fircoon, oo ahaa nin caqli badan, sida Quraanka ku cad, hayeeshee uu tolkiis cadaabta iskugu geeyey, isagoo xusay Muuse Biixina uu sidaas la mid ah somaliland afka u geliyey Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed ee Somaliland inay u istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

HOOS KA DAAWO HADALKA XAMSE

Related posts

SAFE  oo sheegtey in aysan Aqoonsaneyn Natiijada Imtixaanaadkii ay Wasaarada Waxbarashada qaadey Sannadkaan

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay Coronavirus

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Sh/hoose (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---