Ciidanka Somaliland ayaa caawa magaalada Hargeysa ku xiray Wasiirkii hore ee Beeraha Maamulkaas Axmed Muumin Seed ka dib markii ay qabteen ciidamo ka tirsan sirdoonka Somaliland.
Laamaha amaaanka Somaliland kama hadlin xariga Axmed Muumin Seed iyo sababta keentay hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray markii uu ka soo horjeestay is afgaradka la sheegay inuu dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Axmed Muumin Seed ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo heshiiskaas badda lagu siinayo Itoobiya.
“Waxaan shacabka Lughaya iyo Seylac u sheegayaa inaan idinla dareen nahay, waxaad diideysnaa aan diidanahay garabkina ayaana taaganahay” ayuu yiri Wasiirkii hore ee beeraha.
Waxaa uu sheegay in Itoobiya aysan rabin maalgashi iyo kiro balse uu damaceedu yahay bad ay qaadato, taasoo uu sheegay ineysan suuragal aheyn.
Tan iyo markii uu soo shaac baxay is afgaradka la sheegay inuu dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya Maamulka Muuse Biixi ayaa xirxiray dad fara badan oo iskugu jiray weriyeyaal, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka soo horjeestay heshiiskaas.
HOOSKA DAAWO HADALKA LOO XIRAY WASIIRKII HORE EE BEERAHA SOMALILAND.