Laba qof ayaa ku dhintay kadib markii gantaal lidka taangiyada lagu riday tuulada Yuval ee waqooyiga Israa’iil kaasoo ka yimid Lubnaan .
Haweeney 76 jir ah ayaa la sheegay in ay dhimatay ka dib markii ay dhakhaatiirtu ku guuldareysteen in ay badbaadiyaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xarunta caafimaadka ee Ziv.
Nin kale oo 40 jir ah ayaa la sheegay inuu ku dhintay isla dhacdadan. Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in labada qof ee dhintay ay ahaayeen hooyo iyo wiil.
Xizbullah ayaa sheegatay weerarkan, waana dhacdadii ugu dambeysay ee dhowr weerar oo ka dhacday xuduudka waqooyi ee Israel, kadib weeraradii Xamaas ee 7-dii Octobar.
Waxay timid dhacdadan ka dib markii Ciidamada Difaaca Israa’iil ay sheegeen in shan ka mid ah askartooda la dhaawacay,taasoo ka dambeysay  markii rag hubeysan oo xilli habeen ah ka soo Beeraha Shebaa ee xadka ku yaalla ay rasaas ku fureen
Sarkaal ka tirsan IDF oo la hadlay saxafiyiinta ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ku hubeysnaayeen gantaalada lidka taangiyada, bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.
Israa’iil waxay sheegtay in afar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la toogtay.