Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Madaale oo qaabilay Wafdi Carbeed oo marti-qaad ku yimid Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Wafdigaan oo uu hogaaminaayo xoghayaha guud ee madxafka Qaranka Cumaan Mudane Jamaal bin Xasan bin Xuseen Al-Muuse iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Cumaan ay gacan ugu geysan laheyd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah ee Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Cuman, Ganacsato iyo khabiir ku takhasusay Arrimaha Geeska Afrika oo ka tirsan Dowladda Cumaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyada Dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI oo codsi u dirtay Shacabka Soomaaliya

Cabdi Cade

Maamul Goboleed Shaaciyay in uu hakiyay Wada shaqeyntii dowlada Federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade

Erdogan oo dhigiisa Israa’iil u cadeeyay sida uu uga careesan yahay Weerka Masjidka Al-Aqsaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---