Marka aad booqato degmada Ceelbuur xilli seyr-maweydo ah, la yaab yaanay kula noqon inaad ku sugan tahay jaziirad ku dhex-taal badda dhexdeeda. Hareerinta ay dooxooyinku weegaariyeen degmada iyo waraha xareedu gasho xilli roobaadyada ayaa muuqaalka Ceelbuur u dhiga sida jaziirad kamid ah jaziiradaha ugu toolmoon dhulka Soomaalida. Doogga iyo ugbaadka dhaaya-tiirsiga leh oo ay Neyluhu ku facla-facleeyaan dooxada cagaaran iyo Gamaan baqlo, dameero iyo fardo leh oo qurux-sami kula danana ban-baxa Ceelbuur, qofna qalbigiisa kusoo dhici meyso inuu ku sugan yahay dhul engegan—hayeeshe Ceelbuur. Tanina qof yimaada mooyee, qof kale loogama sheekeyn karo!
Marka dhakada sare laga sawir-qaado, Ceelbuur waa magaalooyinka ugu quruxda badan dhulalka Soomaalida. Qaab-dhismeedka iyo dhismayaasha duugga ah oo u dhisan sidii qarniyo kahor loo taagay iyo buundooyinka heemaalka fiican ee degmada u ah marin iyo mushaax ayaa Ceelbuur sifadaas quruxda leh hibo ahaan u siisay.
Ceelbuur waa magaalo kamid ah magaalooyinka ugu faca weyn dhulka Soomaalida. Waxay fogaan dheer oo 300-km ka badan waqooyi ka xigtaa magaalo-madaxda Muqdisho. Waana magaalada ugu filka dheer gobolka Galgaduud. Ceelbuur lamid ma ahan magaalooyinka dhan kasta ku tiirsan magaalo madaxda Muqdisho. Marka si kale loo eegana, Ceelbuur waxay door muuqda ku leedahay dhaqaalaha iyo horumarka dalkeenna. Sida ay dhaqaalyahannadu ku tilmaamaan Ceelbuur, waa warshad kamid ah warshadaha dalka bilic, baahi iyo barwaaqo ahaanba ku filnaan kara haqabtirkooda.
Kasokow ilbaxnimada faca weyn ee degmada Ceelbuur leedahay, waa magaalo istiraaatiji ah leh ilo dhaqaaleed oo faafsan taas oo dal iyo dibadba wax-soo saarkeeda ku faafisa. Mana ahan wax kale oo ka mug weyn wax-soo saar ee waa Burjikada ama girgirada oo ka dhigan rogaalka dhardhaarta—walow farsamooyin kale laga sameeyo dhagaxa Ceelbuur sida dabqaadka ama idanka, koobabka lagu tartamo, kubeytada oo lagu diiriyo jirka iyo farshaxanka qeybihiisa kala duwan sida; guryaha, sigaar-damshiidka lagu shubo haashka, xayawaannada i.w.m.
Balse hadda oo qura ma ahan sidaan. Ceelbuur waxay waligeedba soo ahayd isha kaliya ee laga helo Birjikada iyo mid kamida ah ilaha daboola baahiyaha hoose ee mujtamaca. Cusbada ama milixda ayaa sidoo kale ah wax-soo saarka degmada Ceelbuur laga keeno. Waxaana dhamaan cusbada laga soo saaro Washaaqda degmada lagu daboolaa baahiya kala duwan ee gudaha iyo dibadda magaalada ka jira. Waxaa intaas dheer xoolaha nool iyo oontooda ayay sidoo kale ku caan tahay. Sidoo kale, waa magaalada kaliya oo ay xoogsato ku dhow 2000 oo shaqaale ah shaqooyin uga dareeraan maalin kasta. Mana ahan shaqaale kale. Hayeeshe, waa shaqaalaha warshadaha Ceelbuur ee Birjikada, Nuuriyadda, Cusbada iyo dhaqashada xoolaha iyo beerashada.
Waxaa kale oo Ceelbuur ku caan tahay ahaanta ay ahayd laan kamid ah laamihii xoogga iyo xarumaha dalkeenna. Waxaa ku yaalla meelo badan oo dowli ah sida xeradii Caana-moog, labankii Shiinaha, taallooyinka Talyaaniga iyo kuwa badan. Ceelbuurka sokow deeqdeeda caad-yaalka ah iyo duunyadeeda, waxaa kale oo ku jira dihin kheyraad iyo sareeda leh. Macdanno kala jaad ah iyo shidaal ayaa la tibaaxaa inay sal u yihiin ubucdeeda.
Barismaadkii Ceelbuur waxay ahayd magaalo loo soo dalxiis iyo daanshood tago. Marka laga yimaado ilbaxnimadeeda qadiimiga ah iyo wax-soo saarradeeda kala duwan, Ceelbuur waa magaalooyinka lagu hal-qabsado dhadhansiga jaceylka iyo majeersiga kalgacalka. Abwaano badan oo dalxiis iyo deegaan ahaanba ku tagay degmada ayaa Ceelbuur astaan uga dhigay guri-samo iyo kob gacal kuwada dhaqan yahay—walow maanta heerkii waagaas lagu asteeyey ay ka yara hoos martay: dagaallada sokeeye haba ugu darnaadeene. Hal-abuurrada — inta indhaha ku doogsaday Ceelbuur kadibna uurka ka jeclaaday — wax inay ku sifeeyaanna kaga golaaday waxaa kamid ah heesta iyadba magac ahaan loogu waqlalay degmada ee Ceelbuur-ku-yaalle oo uu bilowgii 70—meeyadii qaaday fanaanka weyn ee kamid ah daganayaasha degmada ee Salaad Maxamed Shardi “Darbi.” Ceelbuur-ku-yaalle waa geedo harac qabow iyo hoobaan qurxoon leh oo dacallada magaalada kaga yaal kuwaas oo kamid ah ilaha lagu doojiyo dhaayaha iyo hal-tilmaansi loo soo haliilo harsashadooda.
Heesta Ceelbuur-ku-yaalle waa hees ku dhalatay qiso jaceyl oo fanaanka ku dhacday xilli uu ku sugnaa degmada. Sheedda ka halacsiga bidhaan quruxnimo ee inantii uu jeclaaday ayaa ileyskii kasoo baxay dhabankeedii walalac nuurayay iftiin u noqday uurkiisii gudcur dama ahaa. Taas oo ugu danbeyn ku kaliftay inuu luuqsan lagu laray muusik halaasi ah iyo laxan uur-wax jeclaaday ka ergeeya ku qaado heesta Ceelbuur-ku-yaalle oo noqotay mid kamid ah heesaha marqaatiga nool ka ah qaayaha iyo qiimaha qotada dheer ee jaceylku ugu fadhiyo Soomaalida iyo qalbiyada jaceylka isku qaba ee Ceelbuur ku nool. Tani waxay sawir muuqda ka bixinaysaa macnaha ay Ceelbuur kaga jirto milgada iyo maamuuska jaceylka.
Miraha heesta Ceelbuur-ku-yaalle waxaa kamid ah;
Waa curad ninkii dhalay; Laga siiyaa cuud—Mahad looga celiyaa.
Waxay iila ceyn tahay; amaan kuba Cizeeyaa—Sida geed caleenloo, Cosob uu ka baxayoo—Intuu roobku curiyay; Laamaha caleentii ay; Middiiba ceyn tahay.
Lagu wada ciyaaroo; Loo ciid tagoo, Caano iyo nabad lahoo—Ceelbuur-ku-yaalley; Ceynkiisa leedahay.
In-kasta oo tuduc kamid ah tuducyada heesta Ceelbuur-ku-yaalle lagu dhaliilo abwaanka inuu si indha’la u amaanay inantuu jeclaaday, hadana waxaa muuqata eedahani inay tiigsimaad la’ yihiin. Waayo waloow hufistu aysan diin ahaan fududeyn oo Alle un wax hufo—hadana sida abwaanku u dhigay waa sida ku cad Qur’aanka oo ah in dadka san aduun iyo aaqiraba laga jecel yahay. Marka inuu malaha quruxsadaa oo uu wanaag u ififaaliyaa jaceylkiisa, waa caado qalbi wax-jecel kula dhaqmo kuu jecel yahay. Waxaa intaas dheer fanaanka lagama hayo goortii uu calmaday inanta xillima ayay ku beegneyd?—ma iyada oo gaban ah oo soo curanaysa mise xilli kale?! Haddaynu tiigsimaad wax ku garsoorno, ugu yaraan waa laga bixi karaa madmadowgaas lagu arkay heesta Ceelbuur-ku-yaalle.
________________________________________________________
Baraarujin: qormadan waxay hibo u tahay walaaladda is-dhalay ee is-jecel ee Ceelbuurwada daga—u eegis la’aan heybsiin iyo heydaareyn.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed Hiraal.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com