Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubo la socda ayaa maanta kusii jeeda magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Sida aan wararka ku heleyno ammaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray oo gaadiidka loo diidayaa qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Dhuusomareeb.
Magaalada waxaa sidoo kale ka socda qaban qaabada soo dhaweynata madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda, waxaana garoon ka ku sugan masuuliyiin iyo dad weyne doonaya in madaxweynaha soo dhaweeyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana billooyin kaddib dib ugu laabanaya magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo mar kale la filayo in uu ka bilaabo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku suigan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xilli muddada xil heynta madaxweynaha Galmudug ay ka harsanyihiin maalmo kooban, lamana oga in Galmudug doorasho ka dhici doonto iyo in kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com