Ciidamada dowladda Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa dagaal xooggan oo u dhaxeeya waxa uu wali ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, dagaalka oo waqtigiisu dheeraaday ayaana dhaliyay khasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Warbaahinta dalka Ukraine ayaa baahiyay in ciidamada dalkooda nolosha ku qabteen koox calooshood u shaqeestayaal ajaaniib ah oo dagaalka ku wehlinayay ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.
Ciidamada Ukraine ragga caloohood u shaqeestayaasha ah ay qabteen ayaa la sheegay in uu ku jiro nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, ninkan ayaana qeyb ka ahaa koox dagaalka garab ku siineysay ciidamada Ruushka.
Warbaahinta Ukraine ayaana sheegtay in ninkan Soomaaliga ah iyo koox kale oo ajaaniib ah lagu qabtay dagaalka ka dhacay magaalada Maryinka ee gobolka Donetsk, waxa ayna sheegeen in ajaaniibtan Ruushka lacag siiyeen sidaasna ay kusoo dagaal galeen.
Ninkan Soomaaliga ah ee lagu qabtay dagaalka Ukraine ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa guutada saddexaad ee ciidamada Ruushka u dagaallamaya, waxa uuna ninkan watay baasaboorka Soomaaliga ah.
Muwaadinkan Soomaaliyeed iyo ragga kale ee lala qabtay qaarkood ayaa la sheegay in aysan laheyn wax khibrad dhinaca dagaalka ah, waxaana la tilmaamay in dhawwaan ku biireen ciidamada Ruushka dgaalka ku caawinaya ,kaddib dhaqaale la siiyay.
Ninkan Soomaaliga ah ayaan la ogeyn in isagu doortay in ciidamada Ruushka dagaalka UKraine gacan ku siiyo iyo in kale, waxaana horey usoo baxayay in Ruushka xoog ku askareeyay ajaaniib Soomaali ku jirto oo dalkiisa ku sugnaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com