Ciidamada Danab ee Puntland uu hoggaamiyo sargaal horey uga tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Jimcaale Takar ayaa caawa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay qeybo kamid ah magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.
Qoraal maanta kasoo baxay ciidamada la magac baxay Danab ee ku sugan magaalada Garawe ayey ku shaaciyeen in aysan aqoonsaneyn madaxweynaha Puntland ee dib loo doortay, waxa ayna caddeeyeen in Garawe aan lagu qaban doonin caleemo saarka Deni.
Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Danab ee Puntland ayaa la sheegay in ay la wareegeen koontaroolka Koonfureed ee magaalada Garawe, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo.
Kooxda Danab uu hoggaamiyo Jimcaale Takar ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ugu digtay madaxda dowladda federaalka, kuwa maamulka goboleedyada, wakiillada beesha Caalamka ee lagu casuumay in ay kasoo qeyb galana caleemo saarka madaxweyne Deni.
Magaalada Garawe ayaa lagu wadaa in dhawwaan ka dhacdo xaflad weyn oo lagu caleemo saarayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dhawwaan 8-dii bishan doorasho ka dhacday magaalada Garawe dib loogu doortay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com