Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la kulmay Guddoomiyaal Maxkamadeed iyo Garsoorayaal

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta la shiray guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobalka Banaadir oo ay ka wada hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee sanadka cusub 2024 horyaala Maxkamadaha maadaama muddo bil ah ay ka soo laabteen fasaxii sanadlaha ahaa ee Garsoorka.

Guddoomiye Baashe oo halkaas ka hadlay, ayaa wuxu boggaadiyey shaqadii uu Garsoorku qabtay sanadkii hore, waxaana uu tilmaamay in sanadkan cusub na loo baahan yahay in la sii laban laabo dedaalkii hore gaar ahaan fududeynta dacwadaha, isla xisaabtanka, ilaalinta wakhtiga, iyo in bulshada la gaarsiiyo adeeg cadaaladdeed oo aan daahis lahayn.

Dhinaca kale, Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka qaran iyo mas’uuliyadaha horyaala iyaga oo rajeeyey in sanadkan cusub uu ugu bilan doono dar-dar hor leh iyo gaadhista wax-qabad muuqda oo dhinaca dacwadaha ah kaas oo ka badan midkii sanadkii hore ee 2023.

Related posts

Daawo Video:- Siyaasiyiin Soomaali ah oo wadna xanuun ku riday Madaxwaynaha dunida ugu awooda badan

admin

Madaxweyne Farmaajo oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade

Waxyaabihii Cajiibka ahaa ee aan ku arkay magaalada Dhoobleey !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---