Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybtiisa 60- aad ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay dagaalyahan kooxda Al Shabaab kasoo goostay.
Yuusuf Xasan Cusmaan oo magaciisa afgarashada uu yahay Diyaarsane, kana tirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibey taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyed.
Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uu katirsanaa muddo 15-Sano ah , waxa uuna sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka.
Waxa uu ugu baaqay Yuusuf saaxiibadiisa kale ee katirsan kooxda Al Shabaab in ay isaga soo baxaan kooxdaasi iskuna soo dhiibaan dhinaca dowladda uu tilmaamay in si fiican usoo dhaweeyeen.