Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Saraakiisha amniga kala hadlay Weerarkii Ciyaartoyda K/G (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay ciyaartoyda xulka kubadda Cagta Koonfur Galbeed kadib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir  ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida amniga xulalka ka qeybgalaya tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida amniga caasimadda, isla markaana aysan usoo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in laamaha Amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed.

Madaale ayaa sidoo kale sheegay in cayaaraha ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana loogu baahan yahay in ay dhowraan anshaxa ciyaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markaad Akhriso Tusaalooyinkan waxaad ogaan doontaa halka uu Jawaari ku dambeyn doono !!

Cabdi Cade

Waa kuma askariga fashiliyey qaraxii lagu weeraray Madaxda sare ee Galmudug?

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Muuse Biixi oo Salaada ciida ka dib baaq u diray shacabka Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---