Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo soo bandhigay qaabka ugu macquulsan ee la isaga difaaci karo Itoobiya

Siyaasiga caanka ah ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay qaabka ugu macquulsan ee la isaga difaaci karo xad-gudubka dowladda Itoobiya iyo damaceeda ku aadan in ay hesho dhul ay Soomaali leedahay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dalka la difaaco ay tahay masuuliyad wadareed iyo waajib qaran, waxa uuna soo bandhigay qaabka ugu muhiimsan ee dalka looga difaaci karo cadawga soo damaaciyay.

Halkan ka Akhriso qoraal uu arrintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

In dalka la difaaco waa masuuliyad wadareed iyo waajib qaran, laakiin qaabka lagu difaacayo waa in uu siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe leeyahay. Tilaabooyinka la qaadayo waa in ay kala horreeyaan, mid kastana natiijadiisa laga gungaaro.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga jeedinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hadalka iyo go’aanka uusan noqon kan ugu horreeya.

Loollanka labada dal, Itoobiya mar walba waxay ka faa’iidaysan jirtay halka aan ka tabar yarnahay oo ah diblomaasiyadda, dan isku tolidda dawladaha kale iyo falcelinta qar iska tuurka ah. Waa in taariikhdu na waanisaa oo aan iska dhisnaa halkii aan ku taagta darnayn, tayaynaana halkii aan ku xooganayn.

Caqli-gal maaha in lagu socdo sidii uu xaalku ahaa ka hor inta ay Itoobiya ku soo xadgudbin gobonimadeenna.

Ilaa iyo haatana ma muuqato isbedel aragti, istiraatiijiyad iyo habdhaqan hoggaan oo la jaanqaadi kara marxaladda cusub. Hawshu waa in ay midnimo iyo muunad qaran yeelataa, xukuumaduna noqotaa mid difaac qaran, halgankana laga dhigo mid hiigsanaya himilo qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe & Shiikh Shariif oo soo xiray Shirkii degaanka Burka Diirimeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Sacuudiga oo war kale oo yaab leh ka soo saaray dilka saxafiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali

Dibed-bax ay ka qeyb qaateen boqolaal qof oo ka dhacay degmada Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---