Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub kuyaalla oo sheegay in Muwaadiniin u dhashay dalkooda gacanta u galeen Al Shabaab

Maalmo kahor diyaarad nuuca Helicopterka ah oo ay laheyd Qaramada Midoobay ayaa ku degtay deegaan ay maamulaan kooxda Al Shabaab, kaddib markii diyaaradaasi ay lasoo daristay cillad farsamo.

Diyaarada ayaa la sheegay in ay saarnaayeen shaqaale isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib , waxaana la sheegay in kooxda Al Shabaab ay dileen qaar kamid ah dadkii diyaarada la socday ,halka kuwa kalana ay nolol ku wateen kooxdaasi.

Afar muwaadin oo u dhashay dalka Ukraine ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen shaqaalihii saarnaa diyaarada gacanta u gashay kooxda Al Shabaab  sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine.

“Muwaadiniinteenu waxay kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Jinsiyadu waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay dowladda Ukraine .

Diyaaradan ku degtay deegaanka Al Shabaab maamulaan ayaa ka kacday magaalada Baladweyne waxa ayna kusii jeeday degmada Wisil, diyaarada ayaana la sheegay in ay waday qalab caafimaad , sidoo kale soo qaadeysay dad dhaawacyo qabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii iyo Dagaalkii cuslaa ee saakay ka dhacay Qaayib

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Masuuliyiinta heyadaha Socdaalka ee Somalia & UK?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---