Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax tilaabo ayaan qaadaynaa”.

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.

Xasan Sheekh ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.” ayuu yiri  Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqda uu yahay mid aan wannaagsaneyn, waxa uuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay iska qabtaan dhaqabka xun ee lasoo baxday Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo ka Qeyb galay Xiritaanka Shirweynihii ka socday Arusha (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo soo bandhigtay Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo hubeesan oo la wareegay xaafado katirsan Baladweyne iyo Xiisad ka jirta (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---