Dowladda Maraykanka ayaa mar kale adkeeysay in si aanan ka leex leexad lahayn uu u taageersan yahay madax bannaannida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kana soo horjeedo in lagu xad-gudbo.
Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayey sidoo kale ku sheegtay inay soo dhawaynayso shirka madaxda IGAD ee 18-ka bishaan lagu dhawaaqay in uu ka dhacayo dalka Uganda ee looga hadlayo xad gudubka Ethiopia.
“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan. Maraykanku waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo baaqii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki ee ahaa, in la qaboojiyo colaadda Sudan lana wada hadlo isla markaana la helo xabbad-joojin iyo xal laga gaaro dagaalka ka socda Sudan” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka kasoo baxay.
Mareykanka ayaana kamid ah dowladaha waa weyn ee kasoo horjeestay heshiiskii Ra’isil Wasaaraha Ethiopia la galay galay madaxweynaha Somaliland, heshiiskaas oo Abiy ku doonayo in ay ku helaan qeybo kamid ah biyaha badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaana horey si cad uga soo horjeesatay damaca waalida ah ee dowladda Itoobiya ku dooneyso in ay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliya, iyaga oo mar marsiiyo ka dhiganaya heshiis beenaad ka dhacay Adis Ababa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com