Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaarihii dowlad Goboleedyada ee ka socday Muqdisho oo la hakiyay iyo Sababta keentay

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda  Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Koomfur Galbeed ayaa dhankeeda xalay ku dhawaaqday in ay isaga baxeen tartanka ka socda garoonka Stadiom Muqdisho, kaddib weerarka lagu qaaday ciyaartoyda mataleysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Arday badan oo lagu laayay dalka Uganda iyo Ciidanka Milatariga oo howlgal wada

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo diyaariyay Warqada Xil ka qaadista Guddoomiyaal degmo (Yaa kamid ah)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---