Allbanaadir.com
NEWS

Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh oo hor tagay Maxkamad qaadeysa kiis dil ah uu ku lug lahaa

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ku lug lahaa shilkii gaari ee uu ku dhintay muwaadin Turkish ah ayaa waxa uu maanta goobjoog ka ahaa dhageysiga gar-maqalka kiiskaasi oo ka furantay maxkamadda magaalladda Istanbul ee dalkaasi.

Gar-maqalka oo si hordhac ah loo dhegeystay ayaa waxa uu Maxamed Xasan ka hadlay qaabkii uu u dhacay shilkii uu ku geeriyooday muwaadinka Turkish-ka, oo lagu magacaabi jirey Yunus Emre Göçer.

Shilkaasi ayaa waxa uu dhacay bishii November 30-dii ee sannadkii hore ee 2023-kii, iyadoo gaari uu watay wiilka Madaxweyne Xasan oo ay leedahay Qunsulliyada Somalia ee magaalladda Istanbul uu ku dhacay mooto uu watay muwaadinka Turkish-ka ee Yunus Emre Göçer, kaasi oo 2 isbuuc kadib u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray shilkaasi.

Dhinaca kale, maxkamadda magaalladda Istanbul waxay si KMG ah dib u dhigtay gar-maqalka kiiskaasi, iyadoo fasaxday Maxamed Xasan Sheekh, ilaa laga gaarayo kulanka soo socda ee maxkamadda oo lagu madalsan yahay bishan January 16-da

Horey, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kula taliyey wiilkiisa 40 jirka ee Maxamed inuu dib ugu laabto dalka Turkiga, isla markaana uu goobjoog ka noqdo kiiska shilka ee loo haysto.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilowgii bishan tacsida la wadaagay qoyska Muwaadinka Turkish-ka ee ku dhintay shilka uu ku lugta lahaa wiilkiisa curradka ah.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo shaaciyay magaca Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade

Damqashada iyo Xanuunka uu reebay Tacadigii Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan

Cabdi Cade

Shirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo goordhaw Furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---