Allbanaadir.com
NEWS

Koonfur Galbeed oo caawa shaacisay in ay isaga baxeen tartanka ka socda Muqdisho

Waxaa gabaldhicii maanta weerar dhagxaan loo adeegsaday lagu qaaday gaari bas ah oo ay la socdeen ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed ku matelaya tartanka ka socda Muqdisho, xilli ay lasoo ciyaareen dhigooda Galmudug oo ay guul darro kala soo kulmeen.

Wasiirka Ciyaaraha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo caawa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaciyay in ay isaga baxeen tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda Stadio Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka in laamaha ammaanka gobolka Banaadir iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku fashilmeen ilaalinta bad-qabka ciyaartoyda  mataleysa xulalka tartankan ka qeyb galaya gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed ku dhaawacmeen ilaa lix ciyaartoy, waxa uuna sheegay in labo kamid ah ciyaartoyda ay ku dhaceen dhaawacyo culus.

Weerarkan lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed ayuu sheegay wasiirka in uu yahay kii labaad oo ay la kulmaan, isagoona tilmaamay in sidan oo kale loo weeraray ciyaartoyda Koonfur Galbeed sannadkii ugu dambeeyay uu tartankii ka dhacay Muqdisho.

Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo galabta laga badiyay kulankii ay la ciyaareen Galmudug ayaa waxaa ku harsan hal ciyaar oo ay la leeyihiin Hirshabelle, waxaana ciyaartaasi ku xiran tahay rajadooda iyagoona Samifinal usoo bixi kara haddii ay badiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano hor leh

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Muddo kadib maanta ku dhax lugeeyay xarunta Madaxtooyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Wariye iyo labo Sargaal oo katirsan Al Shabaab oo Xukuno adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---