Kooxo aan wali heybtooda la garan ayaa galabta weerar dhagxaan loo adeegsaday ku qaaday gaarigii baska ahaa ee garoonka Muqdisho Stadiom ka qaaday ciyaartoydii mataleysay xulka maamulka Koonfur Galbeed.
Weerarka dhagxaanta loo adeegsaday ayaa bur buriyay miyaaradihii gaariga, waxaana dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed matalkeysay ee baska saarnaa.
Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed, laamaha ammaanka gobolka Banaadir ayaan wali sidoo kale ka hadlin weerarkan.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli galabta ciyaartii u dhaxeysay ciyaartoyda kala mataleysay Koonfur Galbeed iyo Galmudug looga adkaaday 3 gool iyo eber ciyaartoydii mataleysay Koonfur Galbeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com