Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in Al Shabaab iyo dowlada Itoobiy ay yahiin laba cadow oo dadka Soomaaliyeed leeyihiin.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya duulaan ku tahay madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoona dilmaamay tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya.
“Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya tahay caday ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyay in Itoobiya aysan qaadan doonin dhul Soomaaliya leedahay intii qof Soomaaliyeed nool yahay.
Waxa uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh dadka Soomaaliyeed in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah cadawga Itoobiya iyo Al Shabaab , kuwaa uu tilmaamay in ay yihiin labo cadaw oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.
Hadaladan adag ee uu ka dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib heshiiskii Abiy la galay Muuse Biixi iyo damaca Itoobiya ee ku aadan in dhul Soomaaliyeed xoog ku qaadato.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com