Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qiimaha shidaalka caalamka oo sare u kacay ka dib weerarkii lagu qaaday Xuutiyiinta

Qiimaha saliida ceyriin ee caalamka ayaa kor u kacay in ka badan 2.5% Jimcihii maanta ka dib markii Mareykanka iyo UK ay si wadajir ah u bilaabeen duulaan ka dhan ah Xuutiyiinta ee Yemen.

Ilaa hadda sanadkan, Brent crude, oo ah halbeegga shidaalka adduunka, ayaa kor u kacay 3.1%.

Dhaqaalaha adduunka ayaa laga bixiyey digniin taxane ah oo muujinaya muhiimadda ay leedahay khalkhal gelinta Badda Cas, taasoo 12% ganacsiga adduunka uu maro, oo ay ku jiraan 30% konteenarada adduunka.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa ku qasbaya maraakiibta in ay maraan waddo aad uga fog qaaradda Afrika, waxaana laga yaabaa in qarashka caymiska uu ku fara bato. Shirkaduhu waxay u gudbin karaan qiimaha kororka ah ee ay alaabtooda ugu rarayaan macaamiisha, iyagoo kor u qaadaya qiimaha mar kale xilli dawladaha adduunka ay la halgamayeen sidii ay u xakamayn lahaayeen sicir bararka ka dib.

“Waxaa jira walaac laga qabo in fowdada hadda jirta ay socon karto bilo badan, taasoo madax-xanuun weyn ku noqon doonta shirkadaha adduunka,” ayuu yiri Susannah Streeter, madaxa lacagta iyo suuqyada ee madal maalgashiga Hargreaves Lansdown.

“Maraakiibta ka imaanaya Aasiya una socda Yurub ee ka soo wareegaya Koonfurta Afrika, waxay qaadanaysaa celcelis ahaan 10 maalmood oo dheeri ah, waxaana qiimaha markabkiiba uu kor u kacayaa $1 milyan oo dollar, taasoo ay ugu wacan tahay dib u dhaca iyo biilasha shidaalka oo sare u kacay” ayay tidhi.

 

Related posts

Maxaa ka jira in la xiray Taliyihii Fududeeyay in Hogaanka Ahlu Sunna ka baxaan Dhuusomareeb ?

Cabdi Cade

Waddamada Carabta oo taageero xooggan u muujiyay Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxaa keenay in Xisbiga Wadajir uu ka baxo Madasha Asxaabta Mucaaradka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---