Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka & UK oo Duulaan ballaaran ku qaaday Xuutiyiinta gudaha Yemen (Sawirro)

Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas.

Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waa markii ugu horraysay ee la duqeeyo, xarumaha xuutiyiinta ee ku yaalla gudaha Yemen, tan iyo markii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah, maraakiibta maraysa badda cas, iyaga oo sheegay inay garab-istaag u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Waxaa jiray illaa 27 weerar oo laga soo abaabulay goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka, oo dusha kala socda hawlgallada ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe iyo koonfurta Aasiya, ayaa Talaaadadii sheegay, in kooxda Xuutiyiintu ay qaadeen weerar adag oo ay adeegsadeen illaa 18 diyaaradood oo ah, nooca aan duuliyaha lahayn, iyo illaa saddex gantaal , kuwaasoo lala beegsaday gaadiidka badda ee maraya biyaha badda cas.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, oo ay wehelinayaan, Maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa dhacdadaas ka jawaabay, iyaga oo soo riday diyaaradahaas iyo gantaaladaba, kana hortagay khasaarihii ay geysan lahaayeen.

Ka hor intii aan Maraykanka iyo Ingiriisku aanay weerarka qaadeen, waxaa jiray, saraakiil Maraykan ah oo u digay Xuutiyiinta iyo Iranba, inaanay ku kicin falal jar iska xoornimo ah oo sharci darro ah.

Related posts

Ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe: “Waxaan isku raacnay in shir kale la isugu yimaaddo Dhuusamareeb”

Caydiid Ali

Madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Hadiyado la siiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---