Somaliland ayaa sheegtay in Dowlada Somalia iyo Al Shabaab ay iska kaashanayaan burburinta Somaliland, ayna qorsheynayaan iney weerar ku soo qaadaan
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa beeniyey hadal dowlada federaalku sheegtay oo ahaa in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo.
Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya.
“Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo qarsoodi ahaa, inaga heshiiska madaxweynuhu markuu madaarka kasoo dagay ayuu dadka uga waramay” ayuu yiri Wasiir Kaahin.
Wasiirka ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal kula jirto Somaliland iyo inay been abuur ka samaynayso heshiiska ay la gashay Itoobiya, isagoo sheegay inay is difaaci doonaan duulaan iyo daandaansi kasta oo lagu soo qaado.
WasSoomaaliya ayaa ka soo horjeesatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo mudaharaadyo lagu diidan yahay ay maalintii labaad ka dhaceen magaalada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA