Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada caalamiga ee ICC oo bilowday dacwad xasuuqa loo heysto Israel (Sawirro)

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa bilowday dhageysiga dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil ee ku aaddan xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Gaza.

Waa arin aan hore loo arag in markii ugu horeysay oo maamulka Yahuudda lagu maxkamadeeyo heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa, kaasoo la sameeyay dagaalkii labaad ee Adduunka kadib, iyadoo la eegayo gumaadka iyo xasuuqa loo geystay dadka Yahuudda ah intii uu socday xasuuqa.

Koonfur Afrika ayaa Israa’iil ku eedeysay inay xasuuq ka geysanayso Falastiiniyiinta Gaza, ayna ka gaabisay inay ka hortagto ciqaabta wadareedka ka socda Gaza Koonfur Afrika ayaa maanta soo bandhigtay kiiskeeda, Israel ayaa is difaaci doonta Jimcaha beri ah

Israa’iil ayaa horey si adag ugu diiday eedeynta, waxayna ku tilmaantay  been abuur aan macquul ahayn, Madaxweyne Isaac Herzog ayaa sheegay Talaadadii in aanay jirin wax ka ka foolxun sheegashada Koonfur Afrika.

Israa’iil waxay soo bandhigi doontaa kiis “iyaga oo isticmaalaya is-difaac,” ayuu yidhi, si ay u muujiso in ay samaynayso “wax walba” iyada oo ku jirta “xaalad aad u adag” si loo baajiyo khasaaraha dadka rayidka ah ee Gaza ee dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay in falalka Israa’iil ee Gaza ay yihiin xasuuq bareer ah maxaa yeelay waxaa loogu talagalay in lagu burburiyo qayb la taaban karo oo ka mid ah qaranka, qowmiyadda Falastiiniyiinta.”

Koonfur Afrika ayaa ka codsatay maxkamadda inay soo saarto ” tallaabooyin ku meel gaar ah ” oo lagu amrayo Israa’iil inay joojiso dagaalkeeda, taasoo ay ku sheegtay inay lagama maarmaan tahay kiiskan si looga ilaaliyo waxyeello dheeraad ah, daran oo aan laga soo kaban karin oo loo geysto xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.”.

Xukunka xasuuqa ayaa qaadan kara sanado si loo caddeeyo, laakiin amarka dagaalka Gaza ee Pretoria ay ka codsatay ICJ ayaa laga yaabaa inuu si dhakhso ah u yimaado.

Wasiirka cadaalada ee Koonfur Afrika Ronald Lamola ayaa sheegay in “Koonfur Afrika ay si aan gabasho lahayn u cambaaraysay beegsiga dadka rayidka ah ee Xamaas iyo iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta iyo afduubkii 7-dii October 2023”

Laakiin waxaa uu sheegay in ciidamada Israel ay taas bedelkeedna si bareer ah u xasuuqeen kumanaan falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo caruur taasoo meesha ka saartay talaabooyinka ay sheegeyso iney yihiin kuwo is difaac ah.

Adila Hassim, oo ka mid ah u doodayaasha matalaya Koonfur Afrika, ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta Gaza lagu laayey xitaa meelihii ay Israel u sheegtay iney tagaan si au u nabad galaan.

Heerka dilka Israa’iil waa mid aad u ballaaran oo aan qiil laheyn ” ayay tiri, iyada oo raacisay in burburintu ay ka baxsan tahay sharci kasta oo la aqbali karo”

Daraasiin dibad baxayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague ka hor dhageysiga xasuuqa Israel. Qaar badan ayaa ruxayay calanka Falastiin halka qaar kalena ay siteen calaamado.

Related posts

Trump oo weeraray musharaxa la tartamaya Biden iyo Warbaahinta Maraykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Brussels iyo xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Mareykanka oo Wafdi u diray Dalka Kenya oo ka taagan tahay khilaaf ka dhashay Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---