Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro cusub) Warbaabinta caalamka oo hadal heysa wixii maanta ka dhacay Muqdisho

Kumannaan Shacab Soomaaliyeed ah ayaa maanta Dibadbax ballaaran ka dhigay  Muqdisho ah iyaga oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliyeed.

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo kamid ah caasimadda Muqdisho, iyaga oo sitay boorar ay ku qoran yihiin Baddeenna Beec ma aha, Taako Baddeenna,  Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna ah Kama Gorgortameyno iyo Taako dhulkeenna Dhiibimeyno.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa shacabka kala qaybgalay Dibadbaxa, iyaga oo ku bogaadiyay sida Waddaniyadda leh ay u difaacayaan dhul badeedka Soomaaliyeed, una diidan yihiin damaca guracan ee Itoobiya.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haya dibed Dibed baxan oo noqonaya kii ugu weynaa ee sanadahan ka dhaca magaalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO SAWIRO QURUX BADAN

Related posts

Dowlad ku hanjabtay in ay qaadi Doonto talaabo bur burin doonta Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay howlgal lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Siyaasi caan ka ah Soomaaliya oo ka digay halista ay leedahay isticmaalka Tiktok

Cabdi Cade
Taboola Ads ---