Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland, waxaa ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsanahay inuu xilka wareejiyay guul weyn laga gaaray difaaca Gobolka Sool, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyna Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Golaha Wasiirada , Ciidamada Amniga iyo Saraakiisha Madaxtooyada ee ay soo wada shaqeeyeen.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee  Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadlay wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay isagoo muujiyey marwalbo inuu u yahay Odey geed fadhi ah oo uu kala tashan doono Arrimaha Puntland iyo gaar ahaan Arrimaha SSC.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo xiray Munaasabadda wuxuu boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Dowladda, wuxuuna u rajeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in isna alle u fududeeyo masuuliyadda iyo howlaha horyaalla.

Related posts

Ciidanka Puntland oo guulo cusub ka sheegtay dagaalka Daacish

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay afgembigii fashilmay ee gobolka Amxaarada Itoobiya

Caydiid Ali

In ka badan 20-Musharax oo isku soo taagay Doorashada Guddoonka gollaha shacabka (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---