Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Annette Weber oo Muqdisho timid (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta ciidamada.

Egeyga Midwoga Yurub ee geeska Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo Go’aano cusub soo saaray Sharciyo la horkeenayna ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ukraine oo dhimashadii u horeysay ka geysatay Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka ka socda Garawe baaqna u diray dhinacyada is haya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---