Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo dowladda katirsan oo ka qeyb galaya Banaan-baxa Muqdisho

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socda bannaan-bixii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xad-gudbka dowladda Itoobiya iyo damaceeda ku aadan in si sharci-darro ah ku hesho qeybo kamid ah biyaha badda ee Soomaaliya.

Bannaan-baxa saakay ka socda magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galaya kumanaan qof oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedkeeda, waxa ayna dadka dibad-baxaya isugu tageen isgooska KM-4 iyo taalada Daljirka Dahsoon.

Wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya bannaan-baxa saakay ka socda magaalada Muqdisho.

Dadka ka qeyb galaya bannaan-baxa ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ”Baddeenu Iib maahan ” iyo ereyo kale oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ee damaacisay in ay si sharci-darro ah ku hesho biyaha Soomaaliya qeybo kamid ah.

Bannaan-baxan ayaana lagu diidan yahay gardarada Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah la gashay Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo dagaal looga qabsaday degaano cusub, hub iyo Maxaabiis (Sawirro)

Caydiid Ali

Darbi jiif ka hortagay Soomaali Weerar geestay oo lacag badan loo aruuriyay

Cabdi Cade

Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo markii ugu horeesay la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---