Waxaa saakay oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaan-bax weyn oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee dhul boobka iyo heshiiskii dhawwaan ka dhacay magaalada Adis Ababa.
Bannaan-baxa saakay dhacaya waxaa ka qeyb galaya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyo sidoo kale shaqaalaha kala duwan ee dowladda oo lagu amray in bannaan-baxa kasoo qeyb galaan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaana guddi isugu jira wasiirro ,masuuliyiin katirsan maamulka goolka Banaadir iyo saraakiil ciidan u xil saartay qaban qaabada bannaan-baxa weyn ee maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaana saakay si weyn u adkeeyay ammaanka goobaha la filayo in ay ka dhacaan bannaan-baxa, waxa ayna ciidamada gabi ahaan xireen oo gaadiidka u diidayaan waddooyinka soo gala goobaha ay dibad-baxyada ka dhacayaan.
Masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in bannaan-baxa kala qeyb galaan shacabka caasimadda Muqdisho, kuwaa oo la filayo in hadalo u jeediyaan dadka isugu soo baxaya magaalada.
Bannaan-baxa ayaana dowladda ujeedkkiisa ku sheegtay in uu yahay diidmada gardarada Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com