Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay António Guterres iyo Xogta waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres.

Xasan Sheekh iyo Gutarres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa dhankiisa garab istaag u muujiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in muhiim tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Shaaciyay Arrin Ahmiyad gaar ah siineyso Xukuumadiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalo kale oo ka dhacaya Luuq

Caydiid Ali

Deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen oo howlgal laga fuliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---