Allbanaadir.com
NEWS

Dil naxdin iyo aragagax leh oo caawa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Nin Toorey ku hubeysan ayaa caawa gabar ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya waxaa uu caawa ku gowracay magaalada Dhuusamareen ee xarunta Galmudug.

Nin dilka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa qof xanuunsan oo maskaxda looga jiro

Meydka gabadha ayaa la geeyay Isbitaalka Central ee magaaladda Dhuusamareeb waxaana gowracan la sheegay in si gaar ah uu uga dhacay Xaafadda waxaracadde Ee Dhuusamareeb.

Shacabka magaalada Dhuusamareeb ayaa ka argagaxay dilkan caawa ka dhacay oo si weyn looga hadal hayo halkaas, lamana hayo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dilkan iyadoo laamaha amaanka Galmudug aysan ka hadlin weli.

Related posts

Netanyahu: “Duqeynta Rafax ka dhacday waa qalad naxdin leh, baaritaan ayaan wadnaa”

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo loo ballanqaaday in wasiirro laga dhigayo iyo qorshaha Madaxweyne…

Cabdi Cade

Gabar yar oo Soomaali ah oo lagu afduubtay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---