Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrin muhiim ah kala hadlay Mike Nithavrianakis una mahad-celiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya labada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.

Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay xiisada cusub ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, xiisadaas oo ka dhalatay heshiis xad-gudub ah oo Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda UK ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn u taageera, waxa ayna UK dhawwaan kamid aheyd dowladihii sida weyn ugu taageeray Soomaaliya midnimada dhuleed, kana hor-yimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad careesan oo Weerar ku qaaday Gaari uu la socday Madaxweyne (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax ka dhacay agagaarka Xalane & Rooble oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in ciidamadii uu tababaray Imaaraadka lagu wareejinayo dowlad kale?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---