Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo tagay Taliska ciidanka Xoogga lana kulmay taliyaal ciidan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah iyo sida ciidamada XDS Soomaaliyeed ay diyaar ugu yihiin Dagaalka dalka lagu sifeenayo loogana taqalusayo Cadawga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay saraakiisha Ciidanka, waxaana kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha Madax hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo Hanjabaad cusub diray xili weeraro cusub bilaabeen TPLF

Cabdi Cade

Kenya oo Muqdisho kusoo celisay 17-ruux oo Soomaali ah oo kusii jeeday dalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---