Allbanaadir.com
NEWS

Gaari laga qabsaday Somaliland oo saakay Sababay Dagaal ka dhax qarxay SSC iyo khasaaro badan oo…

Dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay duleedka magaalada Laascasnood, kaddib markii ay dagaallameen ciidamo SSC Khaatumo kawada tirsan.

Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalada Laascaanood iyo deegaanka Gambadhe.

Dagaalka oo dhexmaray laba ciidan oo hore gurmad ugu tegay SSC-khaatumo ayaa la sheegay in murankiisu uu ka dhashay gaari ciidan oo Somaliland lagaga qabsaday dagaalkii Gooja-cadde ka dhacay sannadkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ka dhacay nawaaxiga Maraaga kadib markii ciidamo ka soo baxay Guumays oo watay gaariga Somaliland laga furtay ay jid-gooyo u dhigteen ciidamo kale taasi oo isku dhaca sababtay.

Dagaalka labada ciidan dhax maray ayaa joogsaday, waxaana jira cabsi laga qabo in mar kale ciidamadan dagaallamaan, waxaana wararku sheegayaan in aaga dagaalka ka dhacay ku baxeen saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Khaatumo.

Related posts

Wariye Shaaciyay in uu iska iibinayo Xubin kamid ah jirkiisa iyo Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada Ninkii doonayay in uu isku qarxiyo Guriceel oo lasoo bandhigay iyo Jirdil xoogan oo…

Cabdi Cade

(Akhriso) Garyaqaanka guud ee Puntland oo go’aan ka soo saaray khilaafka Gaas & Camey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---