Allbanaadir.com
NEWS

Jabhada Xoreynta Oromia oo kahor timid heshiiskii Ra’isul Wasaare Abiy iyo Muuse Biixi

Jabhadda Xoreynta Oromia oo dagaal kula jirta dawladda Itoobiya ayaa iska fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo, gaar ahaanna heshiiskii dhawaan uu la saxiixday Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay Jabhada oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada, arrintaas oo ay Jabhaddu ku sheegtay marin habaabin.

Jabhadda ayaa intaas raacisay in ay Oromadu dagaal kula jiraa nidaamka Abiy, heshiiskan hadda Somaliland lala gaarayna uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo dagaallada iyo dhibaatooyinka daran ee ka socda gudaha Itoobiya.

Sidoo kale waxay Jabhaddu meesha ka saartay saxnimada heshiiska, oo ay ku sifeysay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal hayn xooggan oo ka dhalatay kulankii Kheyre & Xildhibaanada Mucaaradka

admin

Madaxweyne Lourenço oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay shabakad ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---