Maamulka Falastiin ayaa ku eedeeyay militariga Israa’iil inay jiireen meydadka dagaalyahanada ku sugan Daanta Galbeed
Maamulka Falastiin ayaa cambaareeyay dhacdadii ka dhacday Tulkarm oo ka tirsan daanta galbeed ee la haysto taasoo dhacday ka dib markii gaari ay leeyihiin ciidamada Israel uu jiiray meydka xubin ka tirsan Jabhadda Islaamiga ah ee Falastiin wax yar ka dib markii rasaas lagu furay.
Muuqaal laga duubay dhacdadan oo uu goob-joog ka ahaa weriye ka tirsan CNN ayaa muujinaya saddex dagaalyahan oo mid ka mid ah uu ku hubeysan yahay qoriga daran-dooriga u dhaca oo ordaya ka hor inta aan la toogan.
Muuqaal gaar ah ayaa muujinaya baabuur ay leeyihiin ciidamada Israa’iil oo dul maraya maydka mid ka mid ah raggaasi, isagoo jiid jiidaya dhowr mitir.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in dhacdadani ay muujinayso “arxandarada la diiwaan galiyay ee uu gaystey baabuur ay leeyihiin ciidamada Israa’iil isagoo dul maray meydka shahiid ku sugnaa Tulkarm.”
Guutada Al Quds, garabka hubaysan ee Jihaad Islaami, ayaa sheegtay in saddexda nin ee la dilay – oo da’doodu u dhaxayso 22 iyo 24 – ay xubno ka ahaayeen kooxdasa.