Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibad-bixii ugu weynaa oo laga abaabulayo Muqdisho (Jidadka & ganacsiga oo la xirayo)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtey baaq ay soo jeediyeen Ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee shacabka, kuwaasoo dalbanayey in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Somalia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtey xafiiskiisa ayaa sheegay in dowladda ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan banaanbaxyada ay iclaamiyeen.

Fiqi ayaa sheegay in maalinta khamiista ah ee soo aadan la xiri doono dhamaanba jidadka iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho si shacabka ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan damaca Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyey shacabka ku dhaqan magaalooyinka Somaliland iyo wasiiradii iska casilay maamulkaas sida wadaniyada leh ee ay dareenkooda u muujiyeen.

HOOS KA DAAWO WASIIR FIQI.

Related posts

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho oo la kulmay Madaxa Wakaalada Biyaha Magaalada Ankara

Caydiid Ali

Soomaali lagu dilay Weerar Seefaf iyo Budad loo adeegsaday

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---