Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo markii u horeysay ka soo muuqaneysa Maxkamadda dambiyada dagaalka

Israa’iil ayaa  lagu wadaa in ay toddobaadkan  ka soo muuqato maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ka dib dacwad culus oo go’aamin karta halka uu marayo dagaalka Gaza.

Khubarada ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo maamulka Yahuudda lagu maxkamadeeyo heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa, kaasoo la sameeyay dagaalkii labaad ee Adduunka kadib, iyadoo la eegayo gumaadka iyo xasuuqa loo geystay dadka Yahuudda ah intii uu socday xasuuqa.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa  dacwad ka dhan ah Israa’iil u soo bandhigtay, iyadoo ku eedeysay inay jabisay waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta rayidka weerarkii ay ku qaadday Xamaas ee Gaza.

Israa’iil ayaa  si adag u diiday eedeynta , iyadoo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ku tilmaamay “eedeymo been abuur ah.”

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa Talaadadii sheegay in dalkiisu uu soo bandhigayo cadeymo uu iskaga difaacayo eedeyntaas si uu u muujiyo inay ku dadaalayaan baajinta khasaaraha rayidka ah ee Gaza.

Eliav Lieblich, oo ah borofisar sharciga caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Tel Aviv, ayaa sheegay in arrintu tahay mid siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba muhiim ah.

“Eedaynta xasuuqu waa eedaymaha sharci ee caalamiga ah ee ugu xun ee lagu soo oogo dawlad,” ayuu yiri

Israel ayaa qareen u dhashay Britain u wakiilatay inuu ku metelo dacwada maxkamada ka taalla iyo  dhegeysigeeda.

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo hub culus ku weeraray Diyaarado Kenya laga leeyahay oo …

Cabdi Cade

Heyadda IFRAH Foundation oo Kismaayo ka bilowday Olole ka dhan ah gudniinka gabdhaha

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo caawa gudaha u galay Guriceel

Cabdi Cade
Taboola Ads ---