Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay eedeyntii kaga timid dowlada Soomaaliya

Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay eedeyn kaga timid Wasaaradda warfaafinta dowlada Somalia oo aheyd iney caburin iyo xarig ku heyso suxufiyiinta iyo dadka ka soo horjeeda heshiiskii ay dhowaan la gashay Itoobiya ee la isku dhaafsanayey dhul badeedka iyo aqoonsiga.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu Muuse Biixi la soo galay dowladda Itoobiya” ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta DF.

Hase ahaatee qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay eedeyntaas, kaasoo u qornaa sidatan hoose:-

Related posts

Waa Kuma Janeraal Al-Burhan, ninka ay is hayaan Janeraalka geeljiraha soo ahaan jiray?

Cabdi Cade

Shaki la galiyay Heshiiska Qarsoon ee Madaxweynaha la gaaray Uhuru Kenyatta

admin

Daawo:-Abaabul dagaal oo socda iyo Amniga Magaalada Boosaaso oo laga deyranayo

admin
Taboola Ads ---