Allbanaadir.com
NEWS

Fariimo uu qoray kahor inta aan la dilin Wiil uu dhalay Wariye caan ah oo qalbiyo badan xanuujisay

Wiil ku dhintay duqeymaha Israa’iil isla markaana uu dhalay wariye Falastiini ah oo ka tirsan Telefishinka afka Carabiga ku hadla ee Al-Jazeera ayaa qoraalladiisii ugu dambeyay ee uu soo dhigo baraha bulshada waxaay ay noqdeen kuwo aad loo hadal hayo .

Allaha u naxariistee Xamse al- Daxduux ayaa bartiisa X, soo dhigay sawirka hooyadii oo iyana dhawaan lagu dilay duqeymaha Israa’iil, isaga oo ku dul qoray erayo Carabi ah oo u dhignaa sidaan: “Hooyo maanta waa maalintaadii dhalashada, waadna iga fogtahay oo garabkaada ma taagni si aan kuugu hambalyeeyo oo waad geeriyootay,”.

Wuxuu intaa raaciyay” anna waxaan tirinayaa maalmaha aan kula kulmi doono, hooyo noloshu dhadhan malahan la’aantaa,”.

Sawirka aabbihiis oo sidoo kale uu soo dhigay bartiisa X, ayuu ku dul qoray erayo uu ku dhiiro galinayo aabihii Waail Daxduux oo qoyskiisa oo dhan ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil, isaga qudhiisana dhawaacayo ay ka soo gaareen.

Wuxuu yiri: “Waxaad tahay sabar iyo ajar doon aabbow ee ha ka quusan oo ha ka quusan naxariista Eebe, waxaadna hubisaa in ilaahay wanaag kuugu abaal marin doono wixii aad ku sabartay,”

Xamse marka uu qoraalkaan baahinayay isaga iyo aabbihii ayaa qoyskooda ka harsanaa haddase aabbihii oo kaliya ayaa ka nool qoyska oo lix qof ayaa uga dhimatay duqeymaha Isr’aaiil ee ka socda Qasa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Maaliyada G/Banaadir oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wabiga Shabelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne iyo cabsi xoogan oo jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---