Taliyaha ciidanka milatariga maamulka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wafdi saraakiil ah oo la socday ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan milatariga Itoobiya.
Taliyaha guud ee ciidamada millatariga Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa magaalada Addis Ababa, gaar ahaan xarunta taliska milatariga kusoo dhaweeyay kulana kulmay taliyaha ciidanka milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
Labada taliye ayaa la sheegay kulanka ay yeesheen in ay kaga wada hadleen iskaashi dhinaca millatariga ah oo labada dhinac yeeshaan , kaddib heshiiskii dhawwaan magaalada Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaare Abiy iyo Muuse Biixi.
Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, ayaa baahisay kulanka dhax maray taliyaasha milatariga Somaliland iyo dowladda Itoobiya, waxa ayna wakaaladu xustay in kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah ay ugu horeyso iskaashi ay yeeshaan labada ciidan.
Kulankan ayaa imaanaya xilli dhawwaan heshiis is-afgarad muran badan dhaliyay gaareen madaxweynaha Somaliland iyo Abiy, kuwaa oo ku heshiiyay biyaha Badda Soomaaliya qeybo kamid ah la siiyo ciidanka Badda Itoobiya ,dhankoodana aqoonsadaan Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com