Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir shaqada laga joojiyay kaddib Fadeexad kusoo baxday iyo baaris lagu bilaabay

Madaxweynaha dalka Nageria Bola Tinubu , ayaa si deg deg ah shaqada uga joojiyay Wasiirka arrimaha Bini’aadaninimada iyo Dhimista Faqriga ee Nageria , Betta Edu kaddib fadeexad lacageed oo kusoo baxday.

Wasiir Betta Edu ayaa lagu eedeeyay in lacag ka badan $640,000 oo doolar, oo ah lacag dadweyne ah lagu shubay akoon bangi oo gaar loo leeyahay, taas oo dhalisay carro iyo shaki laga muujiyay in lacagtaasi la lunsanayay.

Shacabka dalka Nageria ayaa si weyn uga carrooday tallaabada wasiirka qaaday, waxa ayna shacabka oo u badan kuwa tabaaleysan ku eedeeyeen wasiirka in lacagihii deeqda ahaa ee dadka nugul loogu tala galay akoon gaar ah ku shubatay

Bayaan kasoo baxay madaxweynaha dalka Nageria ayaana shaqada looga joojiyay wasiir Betta Edu, waxa uuna madaxweynaha amray in baaritaanno deg deg ah lagu sameeyo wasiirka iyo xubnaha kale ee la tuhmayo.

War kasoo baxay xafiiska wasiirka sghaqada laga joojiyay ayaa lagu sheegay in wax qalad ah aysan sameyn wasiirka, waxa ayna sheegeen in la ansixiyay lacagtan lagu wareejiyay akoonka gaar ah looguna tala galay in lagu caawiyo dadka nugul ee Nageria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax lagu taageerayay Farmaajo laguna diidanaa Axmed Madoobe oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Saldhig booliis uu la wareegay Saney Cabdulle ?

Cabdi Cade

Dil dad badan ka argagaxeen oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---