Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Al Siisi oo marti-qaad u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi culus oo…

Madaxweynaha dalka Masar Cabdilfataax Al-Siisi , ayaa martiqaad u fidiyay madaxweynaha Jamhuuroiyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaa oo la filayo in maalmaha soo aadan tago magaalada Qaahira.

Wafdi sare oo ka socday dowladda Masar oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay marti-qaadka uu u fidiyay dhigiisa dalka Masar, waxa ayna labada madaxweyne kawada hadli doonaan arrimo xasaasi ah.

Masuuliyiinta ka socotay Masar ee madaxweyne Xasan Sheekh kula kulantay magaalada Muqdisho ayaa ku celiyay in madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Masar oo maalmo kahor telfoon kula soo hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu kala hadlay xad-gudubka dowladda Itoobiya , waxa uuna madaxweynaha Masar u ballan-qaaday Soomaaliya garab istaag muuqda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Aas balaaran oo Garawe loogu sameeyay Janaraal Cabdisamad Cali Shire (Sawirro)

Cabdi Cade

Milyoneer caan ah oo hantidiisii oo dhan deeq ahaan u bixiyey, ka dibna isdaldalay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---