Allbanaadir.com
NEWS

Xl ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiye Xil: Cabdisamad Macalin iyo Sababta keentay

Xubnaha guddiga xeerhoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Golaha Shacabka BJFS oo kulankoodii labaad ee kalfadhiga 4-aad ku yeeshay xafiiskooda ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye Ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Faadumo Ismaaciil Xuseen.

Ajandaha kulanka guddiga ayaa ahaa soojeedinta xilka qaadista guddoomiyaha guddiga xeerhoosaadka Xil. Cabdisamad Maxamuud Xasan, waxaana kulanka goob joog ahaa habdhowraha guud ee Golaha, habdhowre ku xigeenka, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha guddiga, waxaana soo jeedinta mooshinka xilka qaadista Xildhibaanada u aqriyay guddoomiye Ku-xigeenka guddiga Xil. Faadumo Ismaaciil Xuseen.

Xubnaha guddiga xeerhoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa cod gacan taag ah (Haa) ugu codeeyay in xilka ay ka qaadeen guddoomiyihii guddiga, wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.

Sida aan xogta ku helnay xilka qaadista guddoomiyaha guddiga xeerhoosaadka Xil. Cabdisamad Maxamuud Xasan, ayaa timid kaddib markii uu ka biyo diiday tallaabooyin guddoonka golaha damacsanaayeen in tallaabooyin looga qaado xildhibaano mucaarad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Shirweynaha Dhaqaalaha Islaamiga ah ee Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo si jawaab caro leh ka bixiyay go’aan ka soo baxay Senatka Maraykanka

Caydiid Ali

Feysal Waraabe oo ku hanjabay in Muqdisho ka degayo Haddii Muuse Biixi uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---