Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullaah oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Radwan, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen saddex ilo amni.
Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegtay in taliye sare oo door hoggaamineed ku lahaa maareynta howlgallada Xisbullah lagu dilay weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay baabuurkiisa oo marayay koonfurta.
Warbaahinta dawladda Lubnaan ayaa sheegtay dhaawacyo ka dib duqayn ay dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen gaari nooca Skoda Rapid tabankii iyo rubi barqanimo wakhtiga maxaliga ah.
Waxay sheegtay in gaariga uu marayey wadada agagaarka deegaanka Al-dabsha ee magaalada Khirbet Selm, oo ka tirsan degmada Bint Jbeil. duqeynta ayaa sababtay in gaariga uu wadada ka baxo oo uu dab qabsado
Kooxaha caafimaadka degdega ah iyo kuwa dab-damiska oo ka kala socda Difaaca Madaniga ah, Isbahaysiga Islaamka, Laanqayrta Cas, iyo gurmadayaal kale ayaa isla markiiba goobta soo gaaray waxayna ka shaqeeyeen daminta dabka.
Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa iyana sheegtay in Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbullah ee lagu dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Lubnaan, laguna magacaabi jiray Wissam Al-Tawil, oo ahaa ku-xigeenka madaxa unug ka tirsan kooxda Radwan.
Reuters oo soo xiganaysa saddex ilo amni ayaa sheegtay in al-Tawil iyo dagaalyahan kale oo ka tirsan Xisbullah la dilay kadib markii gaari ay wateen lala helay gantaal,weerarkankan oo ka dhacay tuulada Majdal Selm ee dalka Lubnaan.