Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Asmara, halkaasoo ay kaga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta laba maalmood.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara Madaxweyne Isaias afewerki iyo masuuliyiin kale ayaana kaga hortagay.
Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, xiisada iyo khilaafka cusub ee ka dhex aloosan Somalia iyo Itoobiya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee geeska Afrika.
Waa markii shanad ee Madaxweyne Xassan Shiikh uu booqasho ku tago dalka Eritreya tan iyo markii uu xilka qabtay ku dhowaad 2 sano ka hor.