Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Muuse Biixi oo xafiiskiisa ka soo saaray wareegto cafis loogu fidiyey..

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-1144/012024, uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiean.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

Markaan Arkay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee Xabsiyada Dalka ku xidhan,  oo tiradoodu dhan tahay  376 (Saddex Boqol, Lix iyo Todobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka-dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi

 

Related posts

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DF oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Netanyahu oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka kadib xaalad culus oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Dad ay ku jiraan Soomali oo loo heesto in ay lunsadeen lacag dhan 250 milyan oo dollar

Cabdi Cade