Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Ilyaas  Cismaan Lugatoor  hoggaanka la doortay in ay ku guuleystaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi (Deni) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay Madaxweynaha la doortay  in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Mudane Xamsa waxa uu boggaadiyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay in doorashada Puntland ku qabsoonto si nabdoon iyo dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Puntland, taasi oo muhiim u ah buu yiri horumarka dowlad dhiska dalkeena Soomaaliya.

Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey doorashadii Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota oo uu si xarago leh mar kale ugu guuleystay Madaxweynaha xilka haya Saciid C/llaahi Deni oo sidoo kale cusub u dhigay doorashooyinka Puntland

Deni ayaa wareegii 3aad ee doorashada Madaxweynaha Puntland kaga guuleystay 45 cod musharaxii la tartamay Guuleed Saalax Barre oo helay 21 cod, iyadoo sidoo kale Deni uu codad badan ku hogaaminayey labadii wareeg ee hore.

Musharax Deni ayaa taariikh cusub u dhigay doorashada Puntland, isagoo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey Puntland ee la doorto labo xili oo isku xigta.

Related posts

War Cusub oo kasoo kordhay ninkii Faransiiska u xireen kiiska Dilka Jamal khashoggi

Cabdi Cade

Madaxweyne Duterte oo bixiyey amar yaab leh oo lagu burburiyey gaadiid qaali ah (Daawo Sawirro )

Caydiid Ali

Trump oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan in uusan is adkeyn Nacasna iska dhigin !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---