Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka ak ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya.
Xassan Shiikh ayaa magaalada Asmara kula kulmaya Madaxweynaha dalka Eriteriya mudane Isaias Afwerki sida lagiu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, xiisada iyo khilaafka cusub ee ka dhex aloosan Somalia iyo Itoobiya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee geeska Afrika.
Waa markii shanad ee Madaxweyne Xassan Shiikh uu booqasho ku tago dalka Eritreya tan iyo markii uu xilka qabtay ku dhowaad 2 sano ka hor.
Eritreya ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Somalia ee ciidamada u tababara, kumanaan askari oo lagu tababaray dalkaas ayaa lagu soo celiyey Somalia, halka kumanaan kale ay weli tababar ku qaadanayaan dalkaas.