Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Madaxda Puntland oo caawa ka socda Garoowe

Magaalada Garowe waxaa caawa ka socda ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Madaxweynaha Puntland oo lagu wado iney beri ka dhacdo halkaas.

Musharaxiinta  Madaxweynaha ayaa caawa kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada, iyagoo kala jiidanaya xildhibaanada beri codeynaya, hotelada magaalada iyo xarunta madaxtooyada ayaa la ciirciireya dadkii ugu faraha badnaa oo iskugu jira siyaasiyiin, odayaal xildhibaano iyo Musharaxiin.

Doorashada beri dhaceysa oo ay ku loolamayaan musharaxiin badan oo u taagan xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaan illaa hadda la saadaalin karin cida ku soo bixi doonta., inkastoo ay jiraan shaqsiyaad aad oo hadal hayo.

Musharaxiinta ayaa maanta khudbadahooda ka jeediyey xarunta baarlamanka, iyadoo mid walba uu ka hadlay sida uu wajahayo xaalada Puntland hadii uu guuleysto.

Amaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo xoojiyey, iyadoo ciidamada Booliska la dhigay xarunta Baarlamanka Puntland oo ay ka dhaceyso doorashada iyo qeybaha kale ee magaalada.

Guddiga doorashada Baarlamanka Puntland oo caawa shir jaraaid qabtay ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidamada iney amniga ka wada shaqeeyaan, iyagoo musharaxiinta iyo xildhibaanada ku wargeliyey iney beri soo galaan hoolka doorashada 7:00 subaxnimo si ugu dambeyn codeynta loo bilaabo 8:00 subaxnimo.

Related posts

Madaxweyne caan ah oo Soomaaliya ku tilmaamay meel bahalo galeen ah

Cabdi Cade

Maraykanka oo duqeyn ku dilay Jen. Qassem Soleimani iyo ku-xigeenkiisii

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay in aan xil dambe lagu aaminin Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---